Uganda oo taliye cusub u magacowday ciidamadeeda jooga Soomaaliya

17

Dowladda Uganda ayaa Taliye cusub usoo magacowday Taliska 1aad ee Ciidamada Amisom ee Somalia ka howlgala.

General Nabassa ayaa badal u noqon doona General Otto oo mudo sanad ah hogaanka u haayay Ciidamada Uganda ee Jooga Somalia.

Taliyaha cusub ay Uganda u soo magacowday Taliska 1aad ee Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ayaa waxaa uu qeyb ka qaadan doonaa howlgalka ka dhanka ah ee Al-Shabaab ay ka wadaan Soomaaliya.

Richard Otto, ayaa wax ku soo bartay Dalka Ruushka, waxaana uu soo qaatay tababar aad u sareya waxaa uu ka mid ahaa Ciidamadii ugu horreeyay ee Al-shabaab kula dagaallamay  Soomaaliya Sanadkii 2007dii, hayeeshee haatan waxaa badelaya Taliyaha cusub ee la soo magacaabay.

6,000, oo Askari ayaa Uganda ka joogta Soomaaliya,waxaana ay isu beddelaan sanad ,iyada oo Guutadii sanad joogtaba lagu beddelo mid kale oo iyana sanad kale shaqeyneysa.