Boqolaal Arday ah oo laga sii daayay Kooxda Boko Xaram dalka Nigeria

17

Boqollaal wiilal iskuulley ah oo toddobaadkii la soo dhaafay laga afduubtay iskuul xannaano oo ku yaalla waqooyi-galbeed Nigeria ayaa la sii daayay, sida ay sheegeen maamulka gobolka Katsina.

Afhayeen u hadlay barasaabka gobolka ayaa sheegay in 344 qof la sii daayay dhammaantoodna ay xaaladdoodu wanaagsan tahay.

Si kastaba, wararka kale ayaa sheegaya in ardayda qaarkood ay ku jiraan gacanta afduubayaasha.

Weerarka waxaa sheegtay kooxda Islaamiga ah ee Boko Haram, kuwaasoo saacado kahor sii daayay muuqaal muujinaya qaar ka mid ah wiilasha oo ay sii daayeen.