R/Wasaare Rooble oo ku wajahan Gaalkacyo

12

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta waxaa lagu wadaa inuu gaaro Magaalada  Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Wafdi hor dhac u ah R/wasaare Rooble ayaa shalay galinkii dambe gaaray magaalada Magaalada Gaalkacyo.

Qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga R/wasaare Rooble ayaa laga dareemayaa magaalada magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Wadooyinka magaalada ayaa waxaa la dhigay ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka  iyo ilaalada Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, kuwaasi oo sugaya amniga Wafdiga Ra’iisul wasaare Rooble.

Marka uu tago R/wasaare Rooble magaalada Gaalkacyo  ayaa la filayaa inuu kulamo la qaato madaxda maamul goboleedka Galmudug, isagoona kala hadli doono arrimaha doorashooyinka.