R/Wasaare Rooble oo lacag 200,000 ugu deeqay dhismaha Wadada Laamiga ee Cadaado

9

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay uga qeyb qaadanayso dhismaha waddada laamiga ah ee dhex marta degmada Cadaado $200,000 oo dollar.

Waxa uu bogadiin u diray bulshada ku nool degmada isaga oo ku amaanay kaalinta ay ka geysteen dhismaha wadada laamiga ah ,islamarkaana ay dhiseen qeyb ka mid ah bulshada ku nool Cadaado.

R/Wasaare Rooble ayaa inta uu ku sugnaa magaalada Cadaado waxaa uu kulamo la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaaladaasi.

Kulamada ayaa inta badan waxaa looga hadlayay xaalada deeganada Galmudug iyo daminta  dagaal beeleedyada ka jira deegaanada Maamulkaasi.