Shiikh Shariif oo weerar afka ah ku qaaday DFS

18

Shiikh Shariif Shiikh  Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya  oo  maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa waxaa uu ka hadlay xaalada siyaasadeed ee xiligan uu marayo dalka.

Shariif Shiikh Axmed oo ah gudoomiyaha golaha Musharaxiinta oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho  ayaa waxaa eedeyn u jeediyay dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoona uu ku dhaliilay in ay  boob doorashada dalka iyo in ay ku fashilan tahay in wax ka qabato xaalada amni ee wadanka uu xilagan marayo.

Shirka jaraa’id ee madaxweyne Shiikh Shariif ayaa waxaa uu ku soo hadal qaaday ciidamo la sheegay in shalay la duldhigay guryaha  ay musharixiinta ka degan yihiin magaalada Muqdisho, isagoona  ciidamada dowladda  in aan loo adeegsan waxyaabo ka baxshan sharciga.

Hadalkiisa ayaa waxaa uu intaasi ku daray  in aysan jiri doonin qof  si xoog ah  ku joogi doonto villa Soomaaliya, islamarkaana uu bixi doono qofkasta marka uu dhameyso muddo xileedkiisa marka uu dhamaado.