Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Jabuuti

12

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wado inuu gaaro magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti, si uu kaga qeyb galayo shirka ururka goboleedka IGAD.

Shirka urur goboleedka  IGAD ayaa waxaa  looga hadli doonaa ashtako ay Soomaaliya ka gudbisay Kenya iyo xiisada diblomaasiyiinta ee u dhaxeysa labada dal, kaddib markii maalmo ka hor ay dowladda Soomaaliya xiriirka ugu jartay Kenya.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Sudan Abdalla Hamdouk ayaa booqasho ku tagay Addis Ababa, waxaa uu sheegay in isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ay isla garteen in shir laga yeesho xaalada ka jirta gobolka Tigrey

Gobolka Tigray ayaa waxaa dagaal kula wareegay Ciidamada  Milateriga Itoobiya.

Urur Goboleedka IGAD ayaa 20-ka bishaan shir ku yeelanaya dalka Jabuuti, si ay Madaxda uga wadahadlaan dacwad ka dhan ah Kenya, oo dowladda Federaalka Soomaaliya u gubisay.

Waxaana Shirkan ka qeyb gali doono dhamaan madaxda ku jira urur goboleedka IGAD.