R/wasaare Rooble oo la kulmay odayaasha dhaqanka Caabudwaaq

17

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay odayaasha dhaqanka ee ku sugan degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

R/Wasaare Rooble ayaa hoyga uu Caabudwaaq ka degan yahay waxaa uu kula kulmay , Ugaas Maxamed Ugaas Axmed Ugaas Faarax, Odayaasha dhaqanka iyo bulshada.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay nabadaynta, dib-u-heshiisiinta, kalsooni-dhisidda iyo gaarsiinta adeegyada dowladda ee deegaanka.

Ra’iisul wasaaraha oo ku sugan Caabudwaaq ayaa kulanka Ugaaska la yeeshay waxaa  ku wehliyay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin maamulka Galmudug kamid ah.