Maxkamad ku taala Soomaaliland oo xukun ku riday nin kufsi iyo dil geystay

7

Maxkamadda Gobolka Sanaag  ee Somaliland ayaa xukun ku ridday Nin la sheegay inuu kufsi iyo dil u gaystay, Marxuumad Hodan Siciid Jaamac.

Ninka kufsiga iyo dilka lagu eedeeyay ayaa waxaa lagu magacaabaa Saleebaan Cali Kaarshe.

Saleebaan Cali Kaarshe ayaa la sheegay in lagu helay in uu kufsi iyo dil isugu daray Marxuumad Hodan Siciid Jaamac, waxaaana dhawanahaan socday  dhagaysiga dacwadda.

Marxuumad Hodan ayaa waxaa da’deedu ay ahayd 18 sano jir , iyadoo la shegay in Saleebaan Cali Kaarshe uu marxuumadda kufsaday kadibna uu dilay, waxaana Maxkamadda Gobolkaasi ay ku Xukuntay dil toogasho ah.