Musharixiinta Mucaaradka ah oo sheegay in maanta Ciidamo la dul dhigay.

2

War qoraal ah oo ka soo baxay Golaha Midowga Musharixiinta ee mucaaradka ah  ayaa si kulul uga hadlay Ciidan la sheegay in la dul geeyay Guryaha ay ka daggan yihiin magaalada caasimada ah ee  Muqdisho.

Musharixiinta  ayaa  ugu horeyn waxaa ay cambaareeyeen  Tallabada ay dowladdu Ciidanka u dul dhigtay Musharxiinta, waxaana ay ku sheegen in ay tahay  mid khal khal amni  uu abuurayo madaxweynaha Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo.

Sidoo kale Musharixiinta ayaa markale ka digay in ujeedooyin Siyaasadeed loo adeegsado Ciidamada Qaranka.