Turkiga oo soo saaray markab dagaal oo noociisa horey loo arag

3

Dowladda Turkiga ayaa markii ugu horeysay daaha ka qaadaysa nooc cusub oo gaadiid gaashaaman oo badda ah kaas isaga is wada, markabkan loo yaqaano SIDA wuxuu yeelan doonta garaad maskaxeed macmal ah.

Doonta waxaa farsameeyay labo shirkadood oo Turki ah oo  lagu kala magacaabo Ares Shipyard iyo Meteksan, bisha soo socota ayay howlgali doontaa sida qorshuhu yahay.

Khubarada gacanta ku haya farsamada markabkan cusub ayaa sheegay in bisha Maarso la tijaabin doono gentaalada ku rakiban markabkan isaga is- wada, sida uu sheegay maamulaha shirkadda Ares Shipyard Mr. Utku Alanc.

Markabkan ayaa la filayaa in door weyn uu ka ciyaari doono difaaca dhanka xeebaha badda Mediterranean oo Turkiga isku hayaan dalalka Giriiga iyo France.

Waa awood militiri oo loo adeegsan karo khilaafaadka dhanka badaha isagoo lamid ah diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee dhowaan Turkiga soo saaray oo UAV loo yaqaano oo kaga dagaal galay gudaha Suuriya.