Lafta gareen oo guddoomiyay shirka golaha wasiirada Koofur Galbeed

10

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Shir gudoomiyey Shirka Golaha Wasiiradda Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed oo Maanta lagu Ansaxiyey Miisaniyada 2021 oo Wasaardda Maaliyada ay soo Gudbisay.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Isaaq Cali Subag oo Warbixin Amniga ku saabsan ka jeediyey shirka ayaa ka warbixiyey Xaalada Amni ee Deeganada Koofur Galbeed iyo Howlgalkii udambeyey ay Sameeyen Ciidanka Xooga Dalka Qeybta 60aad.

Wasiiradaha Wasaaraddaha Arimaha Gudaha,Dekadaha,iyo Howlaha Guud ayaa sido kale Golaha Warbixin ka siiyey Waxyaabaha uqabsoomay.

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Golaha Wasiiradda ku bogaadiyey Howlaha shaqo ee ay uhayaan Shacabka waxaana uu ku dhiirageliyey inay sii laba jibaaran sidii looga miradhali lahaa Himilooyinka Shacabka Koofur Galbeed.