Midowga Musharaxiinta oo baaq cabasho ah u diray Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

32

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa waxa ay baaq cabasho ah u direen safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turki Mehmet Yilmaz, kadib markii ay ku eedeeyeen in uu faro gelin ku hayo arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Waxa ay Midowgu ugu baaqeen Safiirka inuu dhex dhexaad ka noqdo arrimaha la xiriira doorashada Soomaaliya, iyagoo sheegay inay ka xun yihiin in Safiirka uu taageero siiyay Guddiga doorashada heer Federaal ee lagu muransan yahay.

War qoraal ah oo ay soo saareen Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa looga hadlay arrimahan kor ku xusan.

Sidoo kale waxaa dawladda Turkiga looga mahaceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiso shacabka Soomaaliyeed.