Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Nairobi oo Shaqooyinkii joojisay

6

Wararka laga helayo Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegayaan in Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay halkaas ay joojisay dhamaan Shaqooyinkii ay qaban jirtay.

Tallaabadaan ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay mid ay isu diyaarineyso in albaabada loo laabo maadaama Dowladda Soomaalia ay xiriirka u jartay Kenya, isla markaana uu xoogeystay khilafka u dhaxeeya labada dowladood.

Qoraal Ogeeysiis ah oo Maanta kasoo baxay Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Nairobi ayaa waxaa lagu sheegay in, iyada oo la fulinayo go’aanka dowladda la hakiyay dhammaan adeegyadii safaaraddu bixinaysay.

“ Qof kasta oo baasaboor dalbaday ama sugayay waxaan ogaysiinaynaa in uu soo doonto ugu dambeyn maalinta Khamiista ah, howlaha safaaradda & adeegyadii ay qaban jirtay waa la hakiyay ayaa lagu yiri” Qoraalka Safaaradda.

Dalka Kenya ayaa waxaa ku nool Soomaali fara badan oo ku xirnaa adeegga ay bixiso safaaradda sida Baasaboorka iyo dokumentiga dal ku noqoshada waxayna arrintan saameyn ku yeelan doontaa isu socodka dadka Soomaalida ee Nairobi.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan u yeertay safiirkii ka joogay Kenya sidoo kale dalka ka saartay Safiirkii Kenya, waxaana habeen ka hor sidoo kale ay dowladda Soomaaliya ay xiriirka diblumaasiyadeed u jartay dowladda Kenya.