Madaxweynaha Puntland oo Shir muhiim ah ka furay Magaalada Garoowe

17

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane  Cabdullaahi Deni, ayaa guddoomiyay Shirka dib-u-habeynta iyo kor u qaadista dakhliga Xukuumadda Puntland.

Kulanka oo uu Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulkaas Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa  Guddiga dib-u-habeynta dakhliga hoose ay kusoo bandhigeen warbixin ay kasoo ururiyeen Wasaaradaha iyo Hay’addaha kala duwan ee Maamulka taasi oo lagu soo bandhigay dakhli hoosaadyada ay qaadaan.

Dib-u-habeynta iyo kobcinta dakhliga Dowladda waxay sahlaysa hirgelinta Khasnada mideysan, horumarinta maamul wanaaga, in aan dakhligu uusan meel dhexe kulumin iyo in shacabka culayska laga illaaliyo ayaa lagu yiri” Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey shaqada ay qabteen Guddiga dib-u-habeynta dakhliga, wuxuuna la wadaagay golaha in qorshahan qeyb ka yahay tayeynta iyo horumarinta guud ahaan hufnaanta maaliyadda. Isagoo faray dhammaan Hay’addaha in wadajir looga shaqeeyo kor-u-qaadista dakhliga iyo hirgelinta Khasnada mideysan.

Shirka waxaa ka qeybgalay Wasiirada, Agaasimeyaasha guud, Xisaabiyaha guud, Garyaqaanka guud, Hanti-dhowrka guud, Madaxda Bangiga , Guddoomiyeyaasha qaar ka mid ah degmooyinka, lataliyeyaal Madaxweyne iyo Saraakiil Madaxtooyo.