RW Rooble oo guddoomiyey shirka golaha wasiirrada Galmudug

32

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa xalay guddoomiyay shir ay isugu yimaadeen golaha wasiirrada Galmudug.

Kulankaas waxaa ka qeyb galay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo wasiirrada dowladda federaalka ee Ra’iisul Wasaaraha ku wehliya safarkiisa.

Shirkan ayaa  diirradda lagu saaray wadashaqeynta, iskaashiga dowladda federaalka iyo dowlad goboleedka Galmudug.

Si gaar ah waxaa diiradda loogu saaray arrmaha amniga  dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay shirka.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug, waxuuna Rooble halkaas ka wadaa kulamo uu la yeelanayo madaxda maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.