Cabsidii ugu weyneed oo lasoo deristay Kenyaanka ku nool xuduuda Soomaaliya

15

Saacado kadib markii ay dowladda federaalka Soomaaliya ciidamo ka tirsan militeriga Soomaaliya geysay qeybo ka mid ah gobolka Gedo, waxaa dadka reer Kenya ee xadka ku nool soo food saartay cabsi xoog leh.

Wargeysa Daily Nation oo ka soo baxa dalka Kenya ayaa baahiyey in aagga magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo lagu arkay ciidamo ka tirsan xoogga Soomaaliya oo gaaf wareegaya xuduuda.

Cali Cabdulle oo ka mid ah dadka ku nool xadka labada dalka ayaa wargeyska u sheegay, inay la soo deristay cabsi badan, isla markaana qoysaska qaar ay qorsheynayaan inay isaga guuraan dhulka xuduuda ah, waxayna cabsi ka qabaan inay isku dhacyo ka bilaawdaan halkaas.

Sidoo kale Isaaq Aadan oo ah ganacsade ku nool magaalada Garisa ayaa isna u xaqiijiyey wargeysa jiritaanka cabsida ka soo wajahday xadka ay la wadaagaan Soomaaliya oo dowladda Soomaaliya ay dhoobtay ciidamo xoog leh oo ka tirsan militeriga.

Sarkaal ka tirsan booliska magaalada Gaarisa oo magaciisa qariyey ayaa sidoo kale wargeysakan aan soo xiganeyno u sheegay, in culeys badan ay ka dareemayaan xuduuda oo ciidamo badan oo Soomaali ah la geeyey, balse waxii amar ah ay ka sugayaan saraakiisha sare ee ku sugan Nairobi.

Wal-walkan la soo dersay Kenyaanka ku nool xuduuda waxa uu imaanayaa saacado kadib markii habeen ka hor ay dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday in si rasmi ah ay xiriirka ugu jartay dowladda Kenya.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abuukar Duube ayaa warbaahinta dowladda ka akhriyey go’aanka dowladda Soomaaliya oo ahaa in todoba maalmood ay diblomaasiyiinta Kenya uga baxaan Soomaaliya, iyadoo u yeeratay diblomaasiyiinta ka jooga Nairobi.