RW Rooble oo amray in deg deg loo soo qabto dadkii dilay saraakiisha

13

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble ayaa isaga oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud amar ku bixiyay in deg deg loo soo qabto dadkii ka danbeeyay dilka saraakiishii dhawaan lagu laayay inta u dhaxeysa magaalooyinka Gurceel iyo Balambal ee gobolka Galgaduud.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa dadka falkaasi ka dambeeyay ku tilmaamay kuwo arxan laawe yaal ah, isaga oo amaray laamaha ee ka howlgala deegaanada Galmudug in ay deg deg u soo qabtaan si sharciga loo horkeeno oo cadaaladda loo marsiiyo.

Dhawaan guddigii loo xilsaaray dhacdadaas oo warbixin hor dhac ah soo saaray ayaa sheegay in falkaas loo qabtay dhow qof lagu tuhmayo kuwo kalena lagu raad joogo, isla markaana ay dhawaan soo saari doonaan warbixin dhameystiran.

Sida la sheegay saraakiishaas waxaa loo dilay sababo la xariira aanooyin qabiil, waxayna abuurtay caro iyo walwal badan oo la soo darsay dadka reer Galmudug.