Uganda oo war ka soo saartay go’aanka ciidamada Mareyakanka looga saarayo Soomaaliya

13

Walwal weyn ayuu ku abuuray ciidamada Midowga Afrika ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Soomaliya bisha soo socoto oo ay rumaysan yihiin in ay fursad cusub oo ay isku soo abaabulaan ay u noqon doonto dagaalamayasha Al-Shabaab.

Afhayeenka ciidamada Uganda Flavia Byekwaso ayaa u sheegtay Jariidada Daily Monitor in ka bixitaanka ciidamada Mareykanka uu abuuri doono xaalad amni oo hor leh.

“Waa wax laga xumaado in qorshahaani uu yahay mid si dhaqsi ah ku dhacaya” ayay tiri Flavia Byekwaso, waxa ay hadalkeedi ku sii dartay in ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ay sameyn ku yeelan doonto dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, balse Midowga Afrika ciidamda ka jooga Soomaaliya ay u dhaqaaqi doonan in dulduleeladaasi amni ee ku soo furmay ay si dhaqsi ah ku buuxiyaan.

Flavia Byekwaso ayaa u sheegtay Daily Monitor in wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya sida Uganda,Burundi, Ethiopia, Djabuti iyo Kenya laga doonayo inay la yimaadan buuxinta doorkii ciidamada Mareykanka ee dalka ka baxaya bilowga sanadka 2021-ka.

Flavia Byekwaso ayaa tiri ” Goor dhow waxaan rajeenaynaa inaan aragno ciidamadeena oo u dhaqaaqay sidii ay u buuxin lahaayen doorkii Ciidamada Mareykanka”.

Dowladda Uganda waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamada ugu badan ee ka qeyb qaadanaya howlgalka AMISOM.

Afhayeenka ciidamada Uganda Flavia Byekwaso ayaa tiri “Waxaan weyn doonaa la talintii dhinaca farsamo iyo macluumaadka sirta ah ee aan ka heli jiray ciidamada Mareykanka ee la xariiray xarumaha Al-Shabab oo uu u adeegsan jiray diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, si loo helo xog dheeraad ah”.

Madaxweynaha xilka kasii degaya ee Mareykanka Donald Trump ayaa go’aan ku gaaray inta uusan Aqalka Cad ka tagin in ciidamada Mareykanka laga saaro Soomaaliya.

Go’aanka Mareykanku waxa uu kusoo aadayaa, iyadoo AMISOM ay u diyaar garoobayso in amniga guud ee Soomaaliya ay gacanta u galiso ciidamada Qaranka Soomaaliya si ay u soo gaba gabeeyaan howlgalka sanadaha badan qaatay ee ay u joogeen Soomaliya.