Maxkamadda Ciidamada oo xukun adag ku riday rag loo heysto dilal ay geysteen

17

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun ku riday rag lagu eedeeyey inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.

Maxkamadda ayaa sheegtay in raggaas lagu helay dilalka ay u geysteen saraakiil horay uga tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya.

Labada nin ee maanta la xukumay ayaa lagu kala magacaabaa Cumar Aaadan Maxamed iyo Cabdulle Axmed Muudey, waxuuna xafiiska xeer ilaalintu ku soo eedeeyey in 13-kii bishii November ee sanadkii hore ay si wadajir ah u dileen Cali Cabdulle Maxamed oo ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka.

Sidoo kale eedeynta xeer ilaalinta ayaa ragaas ku eedeeyey dilkii Cabdullaahi Axmed Hilowle oo ka tirsanaa ciidanka ilaalada degaanka.

Guddoomiyaha maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Shuute oo xukunka ku dhawaaqay ayaa ragaas ku xukumay dil toogasho ah.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in xukunkan uu ka furanyahay racfaan.