Kenya oo ka hadashay khilaafka kala dhaxeeya Soomaaliya

5

Dowladda Kenya oo ka hadashay khilaafka kala dhexeeya Soomaaliya ee sababay in dowladda Soomaaliya ay u jarto xiriirkii diblomaasiyadeed.

Afhayeenka dowladda Kenya Cyrus Oguna ayaa goor dhaw warbaahinta gudaha u sheegay in Kenya ay guddi u saartay xallinta khilaafka kala dhexeeya Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in labada dal ay xiriir dhaw wadaageen sanadihii lasoo dhaafay ayna muhiim tahay in xirriirkaas la ilaaliyo.

“Wadahadallo ayaa soconaya si xiriirka labada dal uu ugu soo noqdo mid caadi ah. Waxaa jira guddi loo xilsaaray eegidda arrimaha soo kala dhex galay labadan dal ee wadaaga taariikhaha badan.” Ayuu yiri Oguna.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee xalay ku dhawaaqday inay xiriirka u jartay dowladda Kenya, iyadoo diblomaasiyiinta ka ka jooga Soomaaliya ku amartay inay dalka uga baxaan muddo todoba maalmood gudahood ah, halka kuwa Soomaaliya lagu amray in ay dalkooda dib ugu soo laabtaan