Muuse Biixi oo shaaciyey waxyaabihii uu kala hadlay Uhuru Kenyatta

15

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maalin ka hor gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa saacadihii la soo dhaafay kulamo la qaatay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlay qorshaha safarkiisa Kenya ayaa sheegay inuu u yimid si ay Kenya ugala wadahadlaan sidii ay isaga kaashan la haayeen arrimo dhowr ah oo khuseeya labada dhinac.

“Waa labo dal oo jaar ah, Geeska Afrika ku wada yaalla, mid waliba uu kan kale u baahan yahay marka waxaan u imid in aan kobcinno wax wada qabsigayaga iyo dhinacyada dhaqaalaha, amniga, diblomaasiyadda, jaar wanaagga, nabadeynta Geeskan Afrika iyo caalamkaba,” ayuu yiri madaxweynaha Somaliland.

Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “Uhuru waxaan ka wadahadalnay danaha labadayada dal. Waxaan si qoto dheer uga wada hadalnay waxyaabo badan, geeskan aynu ku nool nahay sidii uu nabad iyo horumar iyo barwaaqo u gaari lahaa, wixii ka dhiman iyo guud ahaan caalamkaba dhibaatooyinka ka jira iyo sidii aan uga faa`iideysan lahayn fursadaha laga yaabo inay ka jiraan caalamka iyo Geeskaba.”

Booqashada Madaxweyne Muuse Biixi ee Nairobi waxay kaliftay in dowladda federaalka Soomaaliya xiriirka u jarto dowladda Kenya, iyadoo ku eedeyneysa inay ku xadgudubtay maadx-banaanida iyo wadajirka Qaranka Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya waxay saqdii dhexe ee xalay diblomaasiyiinta Kenya ka jooga Soomaaliya ku amartay inay todoba cisho dalka uga baxaan, iyadoo u yeeratay dhamaan diblomaasiyiinta ka joogta Nairobi.