Maxakamadda Ciidamada Puntland oo maanta xukuntay Askari dil hore gaystay

1

 Maxkamadda Ciidammada Puntland ayaa war ka soo saartay dacwada kiisaska xubno kamid ah dagaalamayasha Al-Shabaab iyo Askar dishay Askar kale oo katirsanaa Ciidamada maamulka Puntland, kuwaas oo  maxkamadda horay loo hor geeyay.

Isla maanta ayaa ay Maxkamaddu waxa ay xukunno kala duwan ku riday raggan horay uga soo muuqdan Maxkamadda.

Dable Cabdisamad Ibraahim Xaaji Dhuux ayaa ayaa waxa ay maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho ah, taas oo ah qisaasta Marxuum Xasan Cabdi Cali Madaxeey oo uu dil u gaystay.

Sidoo kale Marxuum Xasan Cabdi Cali Madaxeey ayaa waxa uu ahaa Askari ka tirsanaa Ciidamada Puntland.

Maxakamadda ayaa sidoo kale waxa ay dib u dhigtay kiisaska dacwado kale oo loo haysto rag ku eedaysan inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab iyo Daacish.

Waxa ay dalbatay Maxakamaddu in cadaymo rasmi ah la horkeeno, si maxkamadda ay xukunkooda go’aan uga soo saarto.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Puntland Ibraahim Bile Maxamed ayaa warbaahinta u aqriyay xukunka ay gaartay maxkamadda Ciidamada Puntland.