Kenya oo digtay in Weeraro ay Al-Shabaab ka fuliyaan dalkeeda

17

Xukuumada Kenya ayaa sheegtay inay ka digeyso suurtagalnimada weeraro Dagaalamayaasha Al shabaab ay ka gaystaan Kenya maalmaha Ciida Kirismiska.

Bayaan ay Booliska  ka soo saaren waxa ay ku sheegen in tiro badan oo Al shabab ay gudaha usoo galeen Kenya saacadihii ugu dambeeyay si ay weeraro uga gaystaan deganada ku dhirarsan Xadka Somalia Iyo Kenya.

Bayaanka Booliska  Kenya ayaa lagu sheegay in 40 Dagaalamayasha Al shabab ay bartilmaamaysan doonan degaanada Amuma,Hami iyo Magaalada Garisa ee gobolka Waqooyi bari Kenya ee Xadka Somalia.

Booliska ayaa dadka degaanadasi ku nool ay feejignaadan lana shaqeeyan ciidanka amaanka ee la dagaalanka Argagexisada.

Saraakiisha Booliska ee dalka Kenya ayaa shacabka ku dhaqan deegaanada xadka ugu baaqay in ay ka feejignaadaan weerarada Al Shabaab ay doonayaan in ay ka fuliyaan Kenya.

Kenya ayaa bilihii ugu dambeeyay sii  kordhisay  feejignaanta iyo walaaca ay ka qabto al-shabaab , waxaana ay ciidamo dheeraad ah marba marka kasii dambeysa ay geynaysay  soohdinta labada dal .

Al Shabaab ayaa dhowr jeer waxaa ay weerar khasaaro badan dhaliyay ay ka fuliyeen deegaano hor leh oo ka tirsan dalka Kenya.