Kenya oo ka hadashay socdaalka Madaxweynaha Soomaliland

42

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi & Wafdi uu hoggaaminay ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada Nairobi oo ay Maanta uga billaabatay booqasho rasmi ah.

Sida lagu qoray bogga Twitter-ka ee Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dowladda Kenya, madaxweyne Biixi ayaa Isniinta la kulmi doono madaxweynaha Kenya, Uhuru kenyatta.

Ababu Namwamba oo ah xubin sare oo ka tirsan wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya oo soo dhoweeyay Madaxweyne Biixi wuxuu yiri: “Mudane Muusa Cabdi wuxuu Isniinta wadahadal la yeelan doonaa Mudane madaxweyne Uhuru Kenyatta. Waxay ka wadahadli doonaan danaha ay wadaagaan”, ayaa lagu qoray barta Twitter-ka.

Masuuliyiinta kale ee soo garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay madaxweynaha Somaliland waxaa ka mid ahaa wasiirro uu ku jiro midka wasaaradda ganacsiga Kenya.

Booqashada Muusa Biixi waxay ku soo aadeysaa xilli uu aad u sii xumaanayo xiriirka ka dhexeeya Kenya iyo dowladda Federaalka ee Soomaaliya.