Ciidamada AMISOM oo saakay lagu qarxiyay Muqdisho

19

Qarax miino ayaa goordhow waxaa lala eegtay ciidamo ka tirsan AMISOM oo marayay Masaajidka Turkiga oo u dhaw xaafada Jamhuuriya, ee Degmada Karaan ee Gobalka Banaadir sida ay goobjoogayaal u sheegeen KNN..

Waxaa haatan la maqlayaa dhawaqa rasaasta, kuwaasi oo ay fureen ciidamada AMISOM ee la qarxiyay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in gabi ahaanba ay ciidamada AMISOM xireen wadooyinka soo gala goobta uu qaraxa ka dhacay.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaasi.