Galmudug oo shaacisay in dad loo qabtay qarixii Gaalkacyo

50

Barqanimadii Maanta ayaa qarax geystay khasaaro kala duwan waxaa uu ka dhacay banaanka hore ee Xarunta dowladda Hoose ee Gaalkacyo ee maamulka Galmudug oo ku taalla Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

Qaraxa oo ahaa miino la geliyay fuusto qashin ah oo taallay banaanka hore ee xarunta dowladda Hoose ee Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa  ka dhashay khasaaro kala duwan, iyada oo maamulka Magaalada gaalkacyo ee Galmudug ay faah faahin ka bixiyeen.

Guddoomiyaha degmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekkh Xasan ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa miino la geliyay banaanka hore ee xarunta Dowladda Hoose, isla markaana ay ku dhaawacmeen 8 ruux oo isugu jira Shacab iyo Ciidan.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in howlgal ay sameeyeen Ciidamada ay gacanta ku dhigeen Afar qof oo lagu tuhmaayo qaraxa ka dhacay Gaalkacyo, isaga oo Bulshada ka dalbaday inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida amniga.

Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay kamid tahay meelaha ugu amniga wanaagsan degaannada Gobolka mudug, in kastoo dhowr jeer oo hore ay ka dhaceen qaraxyo iyo dilal loo geysay mas’uuliyiin & Askar.