Xildhibaanadii Xasaanada laga qaaday ee Puntland oo Maxkamad hortagay

25

Dacwada loo heytso 8 xildhibaan oo dhawaan baarlamaanka Puntland ka qaaday xasaanadda ayaa maanta markii labaad ay dhageysatay Maxkmadda Sare ee Puntland.

Maxamed Yuusuf Maxamuud  Qaryqaanka guud ee Puntland  ayaa 8 mudane ku eedeyay burburin hanti iyo dastuur jabin, balse qareenada u doodayay xildhibaanada ayaa sharci darro ku tilmaamay eedeynta garyaaqaanka, waxayna sheegeen in kiis ku bilowday faldambiyeed ciqaab ah aan loo rogi karin idaari.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada xasaanadda laga qaaday ayaa sheegay in ay horey u codsadeen in kiiskooda uusan gelin guddoomiyaha maxkmadda sare, maadaama ay wadeen qorshe ka dhanka maxkamadda sare iyo in ay qaraabo yihiin guddoomiye xigeen kowaad ee baarlamaanka oo ay is hayeen, sida ay sheegeen.

Maxkamadda waxaa maanta horyimid afar mudane oo kala ah Cabdicasiis Siciid Gacamey, Saleebaan Faarax Ciise, Maxamuud Axmed Caalim iyo Cabdiqani Abshir Jaaamc.

Maxkamadda sare ee Puntland ayaa maalmaaha soo socda ku dhawaaqi doonta xukunka kiiska loo haysto 8 mudane ee xasaanadda laga qaaday.