Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo Magacaabis sameeyay

13

Madaxwayne ku-xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa shir gudoomiyay kulanka dardar galinta amniga deegaannada Jubbaland.

Shirkaan ayaa waxaa goobjoog ahaa Madaxwayne ku-xigeeenka 2-aad ee Dawlad Goboleedka Jubbaland Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud ,taliska iyo saraakiisha Ciidamada Dawlad Goboleedka Jubbaland.

Kulankaan ayaa daaranaa sidii loo xoojin lahaa howl-galada ay wadaan ciidamada Jubbaland ee ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana amaan iyo bogaadin looga jeediyay shirka ciidamada nabad sugid iyo booliska jubbaland oo maalmihii lasoo dhaafay howl galo dardar leh ka waday gudaha Magaalada Kismaayo kaasoo lagu xaqiijinayay amniga guud ee magaalada.

Mudane Maxamuud sayid Aadan ayaa magacaabay todobo xubnood oo ay ku jiraan xubno katirsan Golaha wasiirrada, gudoomiyaha Gobolka J/hoose iyo qaar kamid ah saraakiisha ciidamada Jubbaland, kuwaasoo loo xilsaaray sidoo ay u joogteyn lahaayeen xaqiijinta amniga Jubbaland.