Goodax Barre oo shaaciyey qorshe laga lahaa doorashadii Jowhar kana hadlay mowqifka reer Hiiraan

0

Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya kana mid ah xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre ayaa hoggaanka dowladda federaalka ku eedeeyey inay masuul ka tahay xaalada khasan ee gobolka Hiiraan.

Goodax Barre ayaa dowladda ku eedeeyey inay boobtay doorashadii HirShabeelle ee ka dhacday magaalada Jowhar, si buu yiri loo soo xulo xildhibaano mar kale soo doorta madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaan Cabdullahi Goodax ayaa sheegay in shacabka reer Hiiraan aysan marnaba ku qanci doonin sida ay u dhacday doorashada HirShabeelle, isla markaana ay go’aansadeen inay ka tashadaan kasii mid ahaanshaha HirShabeelle.

Muran xoog leh ayaa ka taagan doorashadii uu ku soo baxay madaxweynaha maamulka HirShabeelle Cali Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed.

Cali Guudlawe oo isku dayey dhowr mar inuu gaaro magaalada Beledweyne waxaa ka hor istagay maleeshiyaad hubeysan oo diidan in magaalada uu tago, waxaana halkaas laga aasaasay jabhad hubeysan oo uu hoggaamiyo Jeneraal horay uga tirsanaa milateriga Soomaaliya oo lagu magacaabo Abuukar Xuud.

Guddoomiyaha baarlamanka HirShabeelle Cabdixakiin Luqmaan iyo Yuusuf Dabageed oo gaaray Beledweyne ayaa horay ugu guul dareystay inay xaliyaan tabashada shacabka Hiiraan. Sidoo kale waxay ku guul dareysteen inuu magaaladaas tago madaxweyne Cali Guudlaawe.