Xafiiska Rooble oo war ka soo saaray shir maanta ka furmay Garowec

23

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa war ka soo saaray shir magaalada Garowe uga furmay Ra’iisul wasaare Rooble, Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Kulanka waxaa sidoo kale qeyb ka ah wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda federaalka Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, waxaana looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin “Wada shaqeynta dowladda federaalka ah iyo Puntland, arrimaha doorashooyinka iyo qodobbo kale” sida lagu sheegay qoraalka.

“Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo wadatashi ah oo uu Ra’iisul Wasaaruhu la yeelanayo Madaxda Dowlad Gobolleedyada dalka, si wadajir loogu wajaho dowlad dhisidda Soomaaliya iyo xoojinta iskaashiga” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkan oo goor dhaw ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble.