Guddoomiye Mursal oo ka hadlay goorta ay ku egtahay shaqada baarlamaankan 10-aad

8

Todobaadyo kadib waxaa maanta qabsoomay kulan ay isugu yimaadeen xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kaas oo la hor geeyey laba ajende.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa shir guddoominaya kulanka maanta, waxuuna mar kale ka hadlay goorta ay ku egtahay shaqada baarlamaankan 10-aad ee dalka.

Guddoomiye Mursal ayaa ku celiyay in baarlamaanka Soomaaliya uu sii shaqeynayo inta laga helayo baarlamaan bedela kan uu hadda guddoomiyaha ka yahay ee 10-aad.

Waxuu carrabka ku adkeeyey in baarlamaankan uu sii shaqeyn doono tan iyo inta laga dhaarinayo xubnaha baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Guddoomiye Mursal ayaa hadalkaan ka sheegay kulan hadda ka socda xarunta Villa Hargeysa ee Golaha Shacabka, kaas oo ajendihiisu kala yahay, akhrinta  koowaad ee Miisaaniyadda dowladda sanadka soo socda ee 2021-ka iyo akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Dhiirigalinta Maalgashiga.