Shir Muqdisho uga furmay midowga musharaxiinta iyo xubno ka soo jeeda gobollada waqooyi

35

Waxaa goor dhow magaalada Muqdisho ka furmay kulan u dhaxeeya golaha Midowga Musharixiinta iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo xildhibaanada labada Aqal baarlamaanka Soomaaliya, kuwooda ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland.

Kulankaas waxaa looga arinsanayaa xaaladda siyaasaddeed ee dalka iyo tabashooyinka la xiriira guddiga doorashooyinka, sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay xisbiga UDP.

Kulanka waxaa shir guddoominaya madaxweyne hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana la sheegay in golaha musharixiintu ay ku dhageysanayaan tabashooyinka la xiriira guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka.

Si gaar ah waxaa looga hadlayaa guddiyada ka soo jeeda gobollada waqooyi.

“Kulankan waxuu qeyb ka yahay kulamada joogtada ah ee golaha Midowga Musharixiinta uga arinsanayaan caqabadaha ku hor gudban doorasho loo dhanyahay oo dalka ka dhacda” ayaa lagu yiri qoraalkan oo ka soo baxay xisbiga UDP oo uu hoggaamiyo Xasan Sheekh.