Shir looga hadlayo arrimaha Amniga Doorashooyinka oo maanta ka furmay Muqdisho

12

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ahna Guddoomiyaha guddiga amniga doorashooyinka heer Qaranka, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirka guddiga amniga doorashooyinka Qaranka ee 2020/2021,kaasi oo ka socda xarunta Xalane ee garoonka Aadan Cadde.

Shirkaan oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka Qaranka ayaa  waxaa ka qeyb-galaya, xubno ka kala socdo xafiisyada Madaxweynaha,Ra’iisul wasaaraha,Xoogga dalka,Taliyaasha Ciidamada booliska dowlad goboleedka dalka ,Wasaaradda amniga gudaha,Mas’uuliyiinka ka socoto Qaramada Midoobay ,iyo AMISOM.

Shirka oo muddo Saddex maalin ah socon doona ayaa waxaa lagu falanqeyn doonaa arrimaha  Amniga doorashooyinka gaar  ahaan qorshayaasha la soo diyaariyay, sida nidaamka maamulka ,miisaaniyadda iyo tababarrada ciidamada sugaya amniga goobaha ay doorashadu ka dhacayso.

Taliyaasha ciidamada booliska dowlad goboleedyada dalka ayaa  shalay soo gaaray magaalada Muqdisho si ay uga qeyb-galaan shirakaan, waxaana furay  shirkan isla markaasina soo xiri doono Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar)