Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre oo la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Ruushka

34

Wasiirka Arrimaha dibadda Ruushka Sergey Lavrov iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya  Xasan Cali Kheyre ayaa kulan ku yeeshay caasimada dalka Ruushka ee Moscow, Sida lagu daabacay barta Twitter-ka Wasaaradda Arrimaha dibadda Ruushka.

Kulanka ayaa waxaa ay ka wada hadlay xoojinta iskaashiga, ganacsiga iyo dhaqaalaha ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Ruushka.

Safarka Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa aheyn mid hore loo ogaa isagoona ka hadlay kulanka wuxuu yiri “Waxaan maanta kulan qado Sharaf ah la qaatay wasiirka arrimaha dibadda dalka Ruushka, Sergey Lavrov, oo aan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Ruushka, iyo sidoo kale xaaladda guud ee gobalka Geeska Afrika. Waxaan si qoto dheer isaga wareysannay isbaddallada Dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee gobolka ka socdo”

Xasan Cali Kheye ayaa ayaa bishii July laga qaaday xilkii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, oo uu soo hayay tan iyo sanadkii 2017-kii.

Hadda wuxuu ka mid yahay musharraxiinta ku dhawaaqay inay u tartamayaan xilka madaxweynaha, marka la gaaro doorashada xigta.