Taliye Odawaa”Waan ku raadjoognaa dadkii ka dambeeyay weerarkii ka dhacay Galgaduud”.

22

Janeraal Odawaa Yuusuf Raage Taliyaha Ciidamada xoogga dalka oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu si adag uga hadlay saraakiishii dhawaan lagu laayay weerar ka dhacay duleedka degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud.

Taliyaha ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada xoogga  ay wadaan howlgallo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay dilka saraakiisha Ciidamada, isla markaana uu rajeynayo in gacanta lagu soo dhigo.

Sidoo kale taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in cadaalada la horkeeni doono dadkii ka dambeeyay weerarka lagu dilay saraakiil ka tirsanaa milatariga Soomaaliya.

Hadalka Taliyaha ayaa Imaanaya xili weerarkii ka dhacay Galgaduud lagu dilay saraakiil tiradooda gaaraysa ku dhawaad 6 qof, kuwaasi la sheegay in ay ka soo baxeen xerada tababarka Xoosh ee magaalada  guriceel, hayeeshee maleeshiyaad hubeysan ay rasaaseeyeen, xilli ay marayeen deeganka cagfaroge oo u dhexeeya Guriceel iyo Ballanballe.