Madaxweyne Qoor Qoor oo Guddiga wasiiro ah u saaray saraakiishii lagu laayay Galgaduud

9

Axmed Cabdi Kaariye  (Qoor qoor) Madaxweynaha Dowladd goboleedka  Galmudug  ayaa si kulul uga hadlay dilkii 9 bishan loogu geystay saraalkii ka tirsanaa ciidanka XDS ee ka howlgala  deegaanada Galmudug.

Madaxweyne Qoor qoor ayaa magacaabbay guddiga xaqiiqo raadin & Baaris si loo helo baaritaan dhab ah oo la xiriira dhacdadaas.

Gudigan  ayaa waxaa hoggaan u ah Wasiirka Amniga Gudaha  Axmed Macallin Fiqi iyo Wasiirka Arimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta & Dowladaha Hoose  Cabd Maxamed Jaamac

Sidoo kale waxaa xubno ka ah guddigan; Wasiirka Warfaafinta, Wasiiru Dowlaha Cadaaladda, Xeer ilaaliyaha guud, taliyaha Nabad sugidda Galmudug, kusimaha taliyaha ahna taliye xigeenka ciidanka Booliiska GM, Guddoomiyaha Degmadda Guriceel, Guddoomiyaha M/Dhuusamareeb, iyo Guddoomiyaha Degmada Balanbal.

Wasiirka Warfaafinta ee Maamulka galmudug Axmeed Shire Falagle oo  la hadlay Idaacadda Kulmye ayaa faahfaahiyay guddiga la magcaabay.

Guddigan ayaa laga filayaa in ay keenaaan  xog dhab ah taas oo suurto galin doonta  in gacanta lagu soo dhigo kooxihii ka dambeeyay dilka, islamarkaana cadaalada  la horkeeno.

Weerarkii ka dhacay inta u dhexeysay Gurceel iyo Balanbale ayaa waxaa lagu dilay ku dhawaad 6 sarkaal oo ka tirsan Milatriga Soomaaliya.