Amniga magaalada Garowe oo aad loo adkeeyay iyo Ra’iisul wasaare Rooble oo ku wajahan maanta

20

Waxaa maanta aad loo adkeeyay ammaanka magalada Garowe ee gobolka Nugaal, xili saacadaha soo aadan la filayo in magaaladaasi uu gaaro Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Wadooyinka magaalada ayaa waxaa la dhigay ciidamo ka tirsan Puntland iyo ilaalada Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, kuwaasi oo sugaya amniga Wafdiga Ra’iisul wasaare Rooble.

Qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga laga dareemayaa magaalada Garoowe, waxaana Garoonka magaalada Ku sugan masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo kuwa Puntland.

Ra’iisul Wasaare  Rooble ayaa waxaa kaga sii horeeya Garowe wafdi uu hogaaminayo Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Maxamad Cabdirizaq, iyagoona shalay gaaray magaalada Garoowe, si ay qeyb ugu noqdaan soo dhaweynta wafdiga R/wasaaraha Soomaaliya.

Ujeedeedka safarkaan ayaa lagu sheegay inuu yahay  mid xal looga raadinayo caqabadaha ku horgudban hirgelinta heshiiskii doorasho oo muran xooggan ka taagan yahay guddiyada doorasho ay soo magacaabeen dowladaha Federaalka iyo qaar ka tirsan Maamul goboleedyada ka jira dalka.

Safarka Rooble oo uu horey u qorsheynayey ayuu kaga dhawaaqey kulankii asbuucaan horaantiisa ku dhexmarey magaalada Muqdisho dowlada Federaalka, maamul goboleedyada iyo beesha caalamka.

Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu kulamo la qaadan doono madaxda maamulka Puntland.

Marka laga soo tago Garoowe ayaa waxaa la filayaa in Ra’iisul Wasaare Rooble uu safar ku tago magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, isagoona sidoo kale booqan doono deegaanada kale ay ku sugan yihin madaxda maamul goboleedyada.