Dawladda Uganda oo ciidamo dheeraad ah u soo direysa Soomaaliya

17

Taliyaha Ciidanka Lugta Uganda Major General Leopold Kyanda oo ciidamo loo soo dirayo Soomaaliya kula hadlayay xaflad sagootin ah oo loo sameynayay ayaa waxa uu u sheegay in ay Soomaaliya u tagi doonaan hawlgal xasilin ah.

Ciidamadan oo gaaraya 1714 Askari ayaa ah ciidamo dheeraad ah kuwaas oo la doonayo loo soo diro Soomaaliya, si ay qayb uga noqdaan hawlgallada ka dhan ah Al-Shabaab ee ay hoggaanka u hayaan Ciidamada AMISOM.

Taliyaha ayaa sidoo kale waxa uu u sheegay ciidmadan in xasilinta Soomaaliya iyo amnigeeda oo la sugo ay muhiimad weyn u tahay dalalka jaarka la ah sida dalalka Itoobiya Kenya, sida uu hadalka u dhigay.

Maj. Gen Kyanda ayaa Saraakiisha iyo Askartaanba kula dardaarmay inay ilaaliyaan Anshaxa ciidamada ee Nabad Ilaalinta Ujooga Somalia iyo hab dhaqanka Shacabka.

Taliyaha ayaa askartaan cusub u sheegay in xasilintaSoomaaliya aysan ahayn wax sahlan oo ay hortaaganyihiin Dhaq dhaqaaqa Alshabaab sida darteed xasilooni lagusoo dabaalo Soomaaliya kaliya ay dani ugu jirin Uganda ee Wadamada Africana muhiim ay u tahay.

Uganda waa Dalka ugu badan ay Ciidamo ay ka joogan Soomaaliya oo qeyb ka ah kuwa AMISOM.