Xaalada Caafimaad ee fanaanka Bacalwaan oo laga deerinayo.

13

Xaalada Fanaanka caanka ah ee Soomaaliyeed Cabdi Cali Bacal-waan  ayaa la soo werinayaa inuu ka xanuunsanayo dalka Germany, islamarkaana uu haleelay cudurka covid 19.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in  xaaladiisa caafimaad ay aad uliidato markii loo eego sida markii hore uu ahaa.

Weriye madax banaan ku sugan dalka Germany ayaa KNN u sheegay in xaalada fanaanka laga deyriyay, islamarkaana loo baahan yahay in loo gurmado.

Cabdi Cali Bacalwaan oo ahaa mid ka mid ah Fanaaniintii kooxda waabari in mudo ahna ku soo jiray fanka Soomaliyeed waxa uu hobolku qaadaa heeso macaan oo dabacsan iyo kuwo wadani ah oo aan kala dhicin.