Xeer-ilaaliyaha Qaranka oo digniin u diray dadka ka ganacsada Maandooriyaha

8

Xeer-ilaaliyaha Guud  ee Qaranka Sulaymaan Maxamed Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay ganacsatada sida qarsoodida wadanka ku soo galiya maandooriyaha, isagoona digniin u diray warbaahinta.

Xeer-ilaaliyaha ayaa digniin u diray gaadiidleyda sida kontribaank ah ku soo geliya dalka iyo ganacsatada ka ganacsata maandooriyaha waxaanu uu sheegay in maxkamada la horgeyn doono.

”Booliska iyo Ciidamada Badda waxaa la farayaa inay ka howlgalaan Shirkadaha iyo ganacstada ku howlan faa’ido ka raadinta Maandooriyaha noocyadiisa kala duwan gaadiidka doomaha ayaa lagala wareegayaa ciddii falkaas laguq abto” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha Qaranka

Dhinaca kale xeer ilaaliyaha waxaa uu sheegay in ay soo gaareen kiisas la xiriira warbaahinta kuwaasi oo hadda ay gacanta ku hayaan una gudbin doonaan maxkamada.

“Waxaa soo batay baryahaan faafinta waxyaabo ka soo horjeeda xeerka saxaafadda sida wararka kutira ku teenta, wareysiyo iyo cinwaano dadka jihada ka luminaya’’ ayuu yiri Dr Sulaymaan

Ugu dambeyn xeer ilaaliyaha ayaa waxaa uu ku baaqay in la ilaaliyo xuriyadda Saxaafadda iyadoon lagu xadgubeyn shuruucda iyo xeerarka dalka u yaal.