Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo maanta la horgeeyay eedeysanayaal Ka tirsan Al-Shabaab

23

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta  waxaa la soo taagay eedeysanayaal  la sheegay in ay ka tirsan yihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab

Eedeysanayaasha maanta maxkamada la horkeenay  ayaa lagu kala magacaaba Cumar Aadan Maxamed iyo Cabdulle Axmed Muuddeey.

Garsooreyaasha maxkamada ayaa raggan ku eedeeyay7 in ay dilal kala duwan ka fuliyeen Madaalada Muqdisho, iyagoo lagu soo eedeeyay  in degmooyinka Dharkenley iyo Wadajir ay ku kala dileen Cabdullaahi Maxamed Hilowle iyo Cali Cabdulle Maxamuud.

Guddoomiyaha  Maxamadda darajada Koobaad ee  Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan cali Nuur Shuute ayaa soo xiray Kiiska  Dacwadda, waxaana uu sheegay in Maxkamaddu ay go’aan kasoo saari doonto.