Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Wanlaweyn

29

Wararka ka imaanaya  gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyey ciidamada daraawiishta maamulka Koofur Galbeed iyo maleeshiyaad hubeysan uu ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolkaasi.

Iska hor imaadka ayaa ka dambeeyay , kadib markii maleeshiyaadka hubeysan ay weerar gaadmo ah ku qaadeen bar-koontarool oo ciidamada Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin xaafadda Muuri oo ka tirsan degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelada Hoose.

Maleeshiyaadka hubeysan ayaa waxaa la sheegay inay dileen afar ka tirsan ciidamada daraawiishta koonfur Galbeed taas oo keentay in uu dagaal salka ku haaya isku qabsiga Barta koontorool oo lacago lagu qaado uu bilaawdo.