Puntland oo ciidamo badan ku daadisay Boosaaso.

18

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan maamulka Puntland, ayaa saaka lagu daadiyay suuqyada magaalada Boosaaso,.

Ujeedka ciidamadan loogu daadiyay wadooyinka magaalada Boosaaso ayaa ah si loo socod-siiyo qaadashada Lacagta Shiling Soomaaliga ah, oo mudooyinkii ugu  dambeeyay laga diidanaa Magaaladaaso.

Diidmada Shiling Soomaaliga ayaa timid, kadib go’aankii ka soo baxay madaxweyne Deni oo lagu joojiyay in Canshuurta kastamka iyo dekedda Boosaaso lagu qaado Shiling Soomaali, taas oo dowladdu sheegtay in Dollar oo keliya lagu qaadi karo.

Magaalada  Boosaaso ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa  ka socday banaanbax  looga cabanayo sicir-bararka, islamarkaana looga soo horjeedo go’aankii madaxweyne Deni ku amray in kastamka iyo dekedda Boosaaso aan lagu canshuuri Karin Shiling Soomaali.