Hay’adda Amnesty International oo Mareykanka ka dalbatay inuu bixiyo Magdhowga dadkii uu ku dilay howgalada soomaaliya.

6

Hay’adda Xaquuqda aadamaha u dooda ee Amnesty International ayaa sheegtay in looga baahan yahay Hogaanka Africom marka uu ciidamadiisa ka saarayo Somalia ay bixiyaan magdhow qoysaskii dadkoodi waxyeelada kasoo gaartay duqeymaha ay ka geysteen diyaaradaha Mareykanka goobaha ka baxsan Colaadaha.

Amnesty waxa ay shaaca ka qaaday inay la socdaan qorshaha looga saarayo Somalia Ciidamada Mareykanka waxaana ay xustay in loo baahan yahay in cadaaladu ay shaqeyso oo Mareykanka lagula xisaabtamo bixinta magdhow lasiinayo dhibanayaasha.

Agaasimaha Amnestay ee bariga iyo Koonfurta Africa Deprose Muchena, ayaa yiri “Ciidamada Mareykanka ee dhulka Somalia ka tagaya, AFRICOM waa inay si deg deg ah u hirgeliso istiraatiijiyad lagu hubinayo inaysan ka tagin wax horumar ah oo laga gaaro la xisaabtanka ficillada militariga Mareykanka – oo ay ku jiraan warbixintooda ku saabsan eedeymaha dhimashada ee rayidka,
Amnestay ayaa shaaca ka qaaday in dhowr baaritaan ay samaysay ay ku cadeysay dhibaatada dadka rayidka ay kala kulmaan duqeynta diyaaradaha Mareykanka oo dhimasho iyo dhawacba leh.

Tan iyo Markii Madaxweyne Donald Trupm uu xilka la wareegay 2017, Afrciom waxa ay qaadeen weeraro duqeyn oo drones ah iyo kuwa dhulka ah,2017kii waxa ay qaadeen 38 werar,48 weerar oo 2018, 61 weerar ay qaadeen 2019 iyo sanadkaan oo ay qaadeen 49 weerar.

Amnestay waxa ay tilmaamtay inay baartay 9 weerar oo ay Africom ku qaaday Shabeelada Hoose,Galgaduud, Jubada dhexde tan iyo 2017kii waxaana lagu soo ogaaday 21 qof oo dhimasho ah iyo 11 dhaawac ah oo ka dhashay weerarada Africom ee goboladaasi.