Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo booqasho ku tagaya Kenya

55

Kenya ayaa shaacisay in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu maalinta Arbacada ee toddobaadkan booqahso laba maalmood ah ku tegi doono dalka Kenya.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maalinta Arbacada ah ku kulmi doona magaalada Mooyaale ee Gobolka Marsabit, waxayna labada hoggamiye si wadajir ah u furi doono bar kontorol oo ku taalla xuduudda labada waddan.

Isla maalintaas waxay labada hoggaamiye booqan doonaan gobolka Lamu iyagoo kormeeri doona dhismaha dekedda cusub ee Lamu, dekaddaas oo isku xiri doonta adeegga Kenya, Suudaanta Koonfureed iyo Itoobiya.