Maxkamadda Sare ee Puntland oo mudeysay dhageysiga kiiskii 8-da xildhibaan

24

Maxkamadda Sare ee dowlad goboleedka Puntland, ayaa maanta mudaysay dhegaysiga dacwad la xiriirta sax-ahaanshaha xasaanad ka xayuubintii lagu sameeyay sideed xildhibaan oo ka tirsanaa baarlamanka Puntland.

Maxkamadda ayaa dhegaysiga kiiskaas u mudaysay 10-bishan December oo ku beegan Khamiista todobaadkan, waxaana maxkamadda dacwadan u gudbiyey xubnaha xasaanadda laga xayuubiyey.

Warqad maanta ka soo baxday maxkmadda ayaa lagu sheegay in dhageysiga kiiskan uu bilaaban doono maalinta Khamiista ah ee soo socota, saacadu markey tahay 9:00 am subaxnimo.

Xildhibaanada xasaanadda laga qaaday ee maxkamadda u dacwooday ayaa kala ah, Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed, Saleebaan Faarax Ciise, Cabdiqani Abshir Jaamac Surato, Muuse Siciid Xassan Jajabsay, Maxamuud Maxamed Barre, Cabdicasiis Siciid Maxamuud Baduugaaye iyo Maxamuud Axmed Caalin.