Ganacsade caan ahaa oo maanta lagu dilay Dhuusamareeb

36

Wararka aan ka heleyno magaalada Dhuusamareeb waxay sheegayaan in maanta magaalada dhexdeeda uu ka dhacay iska hor imaad muddo kooban socday, kaas oo u dhaxeeyey dad isku heystay dhul ku yaalla meel aan sidaas uga fogeyn madaxtooyada maamulka Galmudug.

Cabdullahi Caabi Cali oo ahaa ganacsade caan ka ahaa magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu dilay is-rasaaseyntaas, waxuuna ka mid ahaa dhinacyadii isku heystay dhulka.

Goobta uu dilkaas ka dhacay waxaa gaaray ciidamo ka tirsan booliska maamulka Galmudug, iyagoo gacanta ku dhigay xubnihii dilka geystay, waxaana haatan degan xaaladda magaalada.

Dhuusamareeb iyo deegaanada hoos taga waxaa muddooyinkii la soo dhaafay ka taagnaa is qab-qabsi iyo murano la xiriira dhulal ku yaalla miyiga ku xeeran magaalooyinka, kuwaas oo dadku ay qeyb qeyb u cabirteen.