Abiy Axmed oo sheegay in TPLF aysan awood u laheyn dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ah

15

Dhakhtar ku sugan caasimada gobolka Tigreega ee Itoobiya, Mekelle, ayaa sheegay in ugu yaraan 27 qof – oo ay ku jiraan 4 jir, 78-sano jir iyo qoys ka kooban afar qof lagu dilay dagaalka u dhexeeya ciidamada federaalka iyo kuwa TPLF, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Hasa yeeshee qoraal maanta ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa lagu sheegay in aysan jirin wax khasaaro ah oo soo gaaray dadka rayidka ah, waxaana ciidamada gobolka Tigreega lagu tilmaamayay “kooxdii dambiyada gashay”.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganeysa dhakhtarka ay la hadashay ayaa sheegtay in adeegyada caafimaad ee magaalada Mekelle ay yihiin kuwo cakiran.

Waxay wakaaladda sheegtay in daawada antibiyootikada iyo cuntada bukaannada iyo dhakhaatiirtaba ay yar yihiin. Bayaanka ka soo baxay xafiiska Mr Abiy maalintii Isniinta ayaa lagu sheegay in “qeybtii ugu adkayn ee hawlgallada ay dhammaadeen”, dowladduna ay hadda “soo celinayso sharcigii iyo kala dambayntii” iyadoo dib u dejin u samaynaysa kuwa ka qaxay gobolka.

Raysal wasaaraha wuxuu ku adkeysanayaa in laga adkaaday ciidamadii gobolka inkasta oo ay beeniyeen madaxda gobolka. Mr Abiy ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Tigreega ee militariga la dagaalamayay bishii ugu dambeysay aysan awood u laheyn inay dagaal dhuumaaleysi ah kaga soo qaadaan buuraha gobolka waqooyi.