Mareykanka oo sheegtay in ay talaabo adag ka qaadeyso qofkii fulin waayo heshiiskii doorashada Soomaaliya.

19

Donald Yamomoto Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ka sheegay shirka Soomaali Partnership Forum in doorashada lagu qabto waqtigeeda islamarkaana qofna aan laga ogolaan doonin in siduu rabo u qabsado doorashada soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in heshiiskii Muqdisho sida loogu heshiiyay loo fulinayo taa badalkeedane tillaabo adag ay ka qaadayaan cid waliba oo ka hor-timaadda.

Amb. Yamamoto ayaa tilmaamay in qofkii ay ku caddaato inuu wax ku dheelayo ay Mareykanku la xisaabtamayaan maadaama soomaaliya ay uga baxday lacago fara badan sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kalena waxaa uu ka digay in aan la abuurin doorashooyin is garab socda, taasoo u muuqatay farriin ku socotay Musharaxiinta Mucaaradka ee ku shirsan magaalada muqdisho.

Yamamoto ayaa sheegay Mareykanka uu ku bixiyay soomaaliya dedaal badan hayeeshe doorashada haddii ay xummaatayna ay halis ku tahay in wixii horumar ah ee la gaaray ay daaqadda ka baxaan islamarkaana dagaalamayaasha al Shabaabne ay xoogaysanayaan.