Banaanbax looga soo horjeeday Xukun ay riday Maxkamadda Ciidamada oo dhacay

40

Banaanbaxaan ayaa waxaa uu Maanta ka dhacay degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo, waxaana looga soo horjeeday Xukun dil toogasho ah oo ay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ku riday askari ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya.

Xukunta Maxkamadda oo dhacay 3-dii Bishaan ayaa waxaa lagu riday Askari ka tirsan  Ciidamada Booliska degmada Doolow ee Gobolka Gedo oo lagu Magacaabo Axmed Maxamed Dhaqane, kaas oo la sheegay in 22-kii Bishii November uu ku dilay askari kale oo lagu magacaabi jiray Dable Bishaar Cumar Yuusuf degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Dad u badan ehellada Askariga xukunka dilka ah lagu xukumay ayaa waxaa ay Maanta dibax ka dhigeen Xaafado ka tirsan degmada Garbahaareey, iyaga oo sheegay in xukunkaas uu ahaa mid Cadaalad darro ah.

Qaar kamid ah dadka banaanbaxayaasha  dhigay oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa ay sheegeen in xukunka dilka ah ee lagu riday Axmed Maxamed Dhaqane loo maray wado aan Sharci aheyn, isla markaana Askariga dhintay lagu dilay israaseyn dhex-martay Ciidamo ka wada tirsan dowladda.

Waxaa ay ka dalbadeen dowladda Soomaaliya in xukunkaas ay racfaan  laga siiyo, isla markaana ay u baahan yihiin in xukunkii dhacay dib u eegis lagu sameeyo, iyaga oo sheegay in dhaqaalo farabadan lagu bixiyay in xukun dil ah lagu rido askariga ka tirsan Ciidamada booliska degmada Doolow,kaas oo lagu Magacaabo Axmed Maxamed Dhaqane.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa horay waxaa ay u riday xukuno kala duwan oo lagu riday Askar & Xubno ka tirsan Al-Shabaab, waxaana jiray xukunada qaarkood oo cabasho laga muujinayay.